Dowladda Soomaaliya oo aan ku baraarugsaneen shirar halis ku ah Mustaqbalka Dalka.

Magaalada New York oo ah xarunta guud ee Qaramada Midoobay waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya sida ay Xaldoon u sheegeen Ilo lagu kalsoon yahay oo fadhigoodu yahay Magaaladaas.

Shirka waxaa barbar soconaya kulamo gaar gaar ah oo madaxda ay isaga xog-wareysaneyso Xaaladda Soomaaliya, Dowladda Ingiriiska ayaa dhankeeda qabaneysa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Madaxda Dowladda Federaalka kuma baraarugsano shirkaan oo lagu gorfeynayo waxa iska badelay 8-dii sanno ee lasoo dhaafay nidaamka Kumeel gaarka ah (KMG) oo ay ka guursatay Soomaaliya.

Ka qaybgalayaasha kulanka waa Boqortooyada Ingiriiska oo Martigelineysa, Midowga Afrika oo si dhaw ula socda xaaladda Soomaaliya kana joogaan ciidamada AMISOM & Qaramada Midoobay oo xafiis ku leh Muqdisho kana warqabta xaaladda guud ee Dalka.

Dib ayaa loo fiirinayaa fursadihii Soomaaliya loo siiiyay daah-furnaanta dhaqan dhaqaale ee Caalmiga ah iyo qiimeynta dhabta ah oo lagu go’aamin doono waxa laga yeelayo natiijada kasoo baxda xog-baaristaan.

Madaxda Dowladda Federaalka oo isku khilaafay kiiska Ikraan Tahliil, shaqo ka joojintii Agaasimaha NISA, Magaabista & Diidmada Wasiirka Amniga ayaa ka mashquulay la socodka shirarkaan lagu gorfeynayo Mustaqbalka Soomaaliya.

Si cad looma sheegin in Dowladda Federaalka ay ku leedahay shirkaan ka qaybgalayaal balse waxa ay u badan tahay in ay noqon doonaan jawaab sugayaal oo kaalin kuma yeelan doonaan fadhiga ama uga qaybgalka muuqaalka fogaan-aragga (Zoom).

Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay oo shalay la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha is khilaafsan ayaa qiimeyn ku sameeyay heerka ay kala taagan yihiin, sida wax loo xalin karo iyo xaaladda kala guurka ah ee uu dalka galay.