Ehelka Ikraan Tahliil oo gudbinaya Dacwad ka dhan ah Farmaajo.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada Ikraan Tahliil Faarax oo Warbaahinta hadal siisay waxa ay kahor timid guddiga uu magacaabay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka madaxbannaan kan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen uu u xilsaaray Kiisaan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo ka meermeerayay in uu soo hadal qaado Kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay oo uu ka hadlay waxa uu magacaabay Guddi ka kooban shan xubnood.

Xubnaha Guddiga waxaa kamid ah Taliyaha uu NISA u magacaabay Yaasiin Farey oo qudhiisa kiiskaan lug u gashan kana mid ah afartii ruux ee ehelka Ikraan Tahliil ka gudbiyeen Galdacweedka.

Qaali Maxamuud ayaa ku hanjabtay in dacwo ay ka gudbineyso Madaxweynaha muddo xil heyntiisu dhammaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caqabad ku ah in cadaaladda la horgeeyo dadka ay tuhmayaan.

“Waxa aan keliya ku qanacsanahay in Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaado dacwadda gabadheena, haddii Madaxweynaha uu joojin waayo carqaladeynta uu ku haayo kiiskaan waxa aan ka gudbineynaa dacwo ka dhan ah” ayay tiri Qaali Maxamuud Guhaad.