Fahad Yaasiin oo sharaf dil ku sameeyay Cumar Finish, G. Xijaar iyo Gen Owodwaa.

Lataliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa xalay kulan casha ahaa isugu yeeray dhamaan saraakiisha hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, iyadoo kulanka looga hadlay khilaafaadka hareeyay hay’ada dhexdeeda.

Kulanka waxaa ka qeyb galay sidoo kale taliyaha booliska Jeneraal Xijaar, Milatariga Jeneraal Odowaa, Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, taliyaha NISA ee uu magacaabay Farmajao Yaasiin Fareey, Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo gacan yaraha koowaad ee Fahad Xildhibaan C/raxmaan Dheere.

Kulanka kahor dhamaan xubnihii madasha xaadirtay marka laga reebo Duqa Muqdihso ayaa loo sheegay in ay banaanka uga soo tagaan taleefanada iyo Faraantiyadda ay wataan, si aan wax sawirro ah looga qaadin, maadaama Fahad uu xasaasiyad gaara ka qaaday sawirro baraha buslhaada lagu faafiyay oo todobaadkii hore garoonka Jabuuti looga qaaday

Saraakiil kulanka fadhiday waxey inoo sheegeen in Fahad Yaasiin uu u muuqday ruux saraakiisha kale ee NISA u soo bandhigayay awoodiisa, isagoo si cad ugu sheegay in NISA aysan gacantiisa marnaba ka bexeynin.

Waxa uu saraakiisha u xaqiijiyay in xalka khilaafka madaxda sare ee dalka uu dhadhaw yahay, wuxuuna tilmaamay in Bashiir Goobe iyo Yaasiin Fareey ruux aan aheyn la keeni doono taliska hay’adda NISA.

“ Wuxuu si cad noogu sheegay in taliyaha NISA aan banaanka laga keeni doonin oo laga soo dhex saari doono oo kaliya saraakiisha NISA ee hadda shaqeysa, wuxuuna tilmaamay in 4-ta talis ciidan ay isaga hadda wixii ka danbeeya hoostagayaan maadaama laga dhigay lataliyaha amniga qaranka” ayuu yiri salkaal diiday in magaciisa la adeegsado.

Sida xogaha aynu ku helnay kulanka wuxuu Fahad isugu yeeray dhamaan saraakiisha sirdoonka, iyadoo fadhiga lagu arkay saraakiil waayadan danbe loo xaglinayay dhanka Bashiir Goobe oo ra’iisul wasaare Rooble uu u magacaabay taliyaha NISA.

Fahad ayaa sidoo kale u sheegay saraakiisha kulanka fadhiday inuusan dooneyn inuu maxkamad la koro saraakiisha iyo askarta NISA ee danbiyadda waaweyn gasha, isagoo taas ku sababeeyay in mar walba ay hoos u dhigeyso sumcadiisa iyo mida hay’adda.