Farmaajo oo ceeb kala kulmay Khudbaddii Qaramada Midoobay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha xilheynta dastuuriga ah ka dhammaatay Febaraayo 2021 oo khudbad ka jeedinayay Shirka 76-aad ee Qaramada Midoobay ayaa ceeb kala kulmay hadal jeedintiisa.

Farmaajo oo 14-Daqiiqo hadal jeedin ah la siiyay waxa uu 12-Daqiiqo oo kamid ah uga hadlay Xaaladda Covid-19 ee Soomaaliya oo laga wada dheragsan yahay dal iyo dibad.

Muhiimadda khudbadiisa waxa ay ahayd in uu diiradda saaro Xaaladda Siyaasadda, Amniga, Khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisul Wasaarihiisa iyo Doorashooyinka socda ee uu sababta u yahay Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa doorashada uu qabashadeeda ku timid dedaalka uu sameeyay Maxamed Xuseen Rooble ku faanay isaga oo isoo dusha saartay guulaha muuqda ee laga gaaray.

Qoraal lagu daabacay Villa Somalia si loo duugo ceebta siyaasadeed ee Farmaajo ayaa lagu sheegay in Doorashada dalka ay tahay tii ugu ka qaybgalayaasha badneed tan iyo Dagaalladii Sokeeye ee Dalka.

“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu daabacay Villa Somalia.

Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya ayaa Antonio Guterres la wadaagay doorashada dedaalka xooggan uu geliyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo is fahamka kala dhaxeeya Madaxda Dowlad Goboleedyada.