Maryan Cabdi Xuseen oo ku guuleysatay Xildhibaanka laga doorto Oslo Norway.

Maryan Cabdi Xuseen oo ah Gabadh heysata Dhalashada Norway oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay kursiga xubinnimada Baarlamaanka ee Magaalada Oslo.

Waxa ay kursigaan ku metaleysaa Xisbigeeda SV oo ku guuleysatay kaddib markii tartan adag ay la gashay xubin ay isku xisbi yihiin oo kula loolamay qabashada xilkaan.

Maryan waxa ay kamid tahay Soomaalidii Norway tagtay burburkii Dowladdii Kacaanka kaddib, muddo dheer oo waxbarasho ku jirtay waxa ay usoo jeedisay in ay kasoo muuqato dhanka Siyaasadda.

Ololaha Doorashada waxa ay xoogga saartay December 2020, waqtigaas waxa ay ku jirtay booska labaad oo waxaa ka codad iyo taageero badnaa musharaxa ay ka adkaatay ugu dambeyn.

Waxa ay xubin ka ahayd Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Norway oo la aas-aasay sanadkii 1993-dii oo xitaa ay qayb ka qaadatay yigleelidda ururkaas.

Wa gabahdii ugu horreysay oo Afrikaan ah oo xubin ka noqota Baarlamaanka Norway, sidoo kale waa haweeneydii ugu horreysay Aqalka Baarlamaankaas gasha iyada oo xijaaban.