Maxay ka dhigantahay in Cabdi Xaashi kaligiis kursi loo xiro?

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday ayaa xirtay mid ka mid ah kuraasta goboladda Waqooyiga kumatalaya Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Sida ku xusan qoraal uu faafiyay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdi Xaashi ayaa kaligiis ku tartamayaa kursiga koowaad. Ma jiro musharax la tartamaya. Tani waxay la macno tahay in uu si toos ah u noqonayo Senator dooran.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka, Baashe Maxamed Ismaaciil, ayaa wuxuu kasoo dhex-muuqdey liiska musharaxiinta waxaana la tartamaya Axmed Ibraahim Maxamed oo loo garan-og-yahay Qorane.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa mucaaradka ugu weyn ee maamulka waqtigu ka dhacay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u sharaxan kursiga shanaad.

Wasiirka dastuurka xukuumadda xilgaarsiinta Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ku jira musharaxiinta isaga oo wajahaya tartan adag oo kaga imaanaya hal musharax oo ah Ibraahim Iidle Suleymaan.

Kursiga tobanaad waxaa ku tartamaya Wasiirka Warfaafinta Abuukar Cismaan Dube oo xulufo la ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday iyo Cabdikariim Maxamed Xasan.

Mahadi Guulleed oo si wayn loo hadal haayay ayaan ka soo dhex muuqan liis-ka musharixiinta Aqalka sare ee maanta loo gudbiyay Xafiiska wasiirka 1aad, inkastoo ilo wareedyo muhiim ah ay Xaldoon Media u sheegeen in Guuleed loo xiri doono mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.