RW Rooble oo u digay Saraakiisha Ciidanka ee Farmaajo adeegsanayo.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xil heyntiisu dhammaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan gaaray meel halis ah.

Rooble ayaa taliyaasha Booliiska iyo Militariga Soomaaliya si cad ugu sheegay in aanay faraha la gelin kiiska Ikraan Tahliil haddii kale uu ka xayuubinayo xilalka ay hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Xijaar iyo Odowaa in aysan ku degdegin gelista kiiskaan iyaga oo ka tusaale qaadanaya xil ka qaadistii uu ku sameeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Fahad waxa uu ahaa maskaxda Villa Somalia ku heysa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse Rooble ayaa ku dhiiraday in uu shaqada ka joojiyo si loogu dacweeyo kiiska Ikraan Tahliil oo Hay’addaas lugaha la galay.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu doonayaa in uu qaso kiiskaan, sidaas awgeed wuu ka feejigan yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo diiday in uu ka gorgortamo” sidaasi waxaa xaldoon u sheegay sarkaal katirsan Xafiiska Rooble.

Villa Somalia ayaa damacsan in ay qaado tallaabo weliba oo ay ku hor istaagi karto kiiska Ikraan Tahliin oo ehelkeeda ay suuragal ka dhigeen in Madaxweyne Farmaajo uu wax ka og yahay.