Sudan oo qarka u saaran in ay ka baxdo heshiiskii Israel ee uu Trump ku qasbay.

Dowladda Suudaan ayaanan qaadin tallaabooyin muhiim ah oo ay ku caadiyaynayso xiriirka kala dhaxeeya Israa’iil tan iyo bishii Abriil markaas oo ay golaheeda wasiirrada meesha ka saareen qaadacaad muddo tobonnaan sanadood ah soo jirtay oo uu dalkaas ku dhaqmayay, wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa sidaasi ku sheegtay wareysi ay siisay barta internetka ee The National News.

“Ma jirto wax astaan ah oo lagu caadiyaynayo xiriirka Israa’iil … mana jiro wax wadahadallo ah oo rasmi ah oo ay saraakiishu leeyihiin,” ayey bartaasi internetka ee uu fadhigeedu yahay waddanka Imaaraatka Carabta ka soo xigatay Maryam Saadiq Al Mahdi.

“In Meesha laga saaro sharci qaadacayay Israa’iil kama dhigna inaynu ka baaraandegi doonno inaan Khartuum ka furno safaarad ay Israa’iil leedahay,” ayey ku sii dartay.

Ms Mahdi ayaa sheegtay in baarlamaanka cusub, kaas oo aanan weli la dhisin, uu arrintaasi la tacaali doono.

Waxa ay intaasi ku dartay in hagaajinta xiriirka Israa’iil uu muhiim u ahaa horumarinta xiriirka Mareykanka, waxaana ay sheegtay in arrintaasi ay horseedday in Suudaan laga taageero inay ku biirto Hay’adda Ganacsiga Adduunka kaddib ku dhawaad labaatan sanadood oo ay ku guuldarraysanaysay inay hay’addaasi ku biirto.

Sanadkii la soo dhaafay Suudaan waxa ay ku biirtay Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Marooko dalalkaas oo ogolaaday inay caadiyeeyaan xiriirka Israa’iil.

Doodda ka taagan in madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir lagu wareejin doono Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada si uu u wajaho eedo dambiyo dagaal, ayaa waxa ay sheegtay in golaha ku meelgaarka ah ee Suudaan ee ka kooban milateriga iyo rayidka – kaas oo dalka maamula – uu arrintaasi ku kala qeybsan yahay.

Todobaadkii tegay, ra’iisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Axmed Xamduuk – oo ah rayid – ayaa sheegay in laga hortagay iskuday afgambi oo ay ku dhaqaaqeen “canaasiir ka tirsanaan jirtay maamulkii hore”.