Villa Somalia oo ku fashilantay qabashada Shirkii uu iclaamiyay Farmaajo.

Fashil ayaa ku yimid qabsoomidda shirka Amniga qaranka ee uu iclaamiyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaddib markii uu ku gacanseyray Wasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Ujeedka uu ka lahaa Wasiiradaas ayaa ah in uu muujiyo in qayb kamid ah shuruudaha shirkaan in uu buuxiyay maadaama laga doonayo in ay ka qaybgalaan Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Lex Wasiir oo katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiradaas ayaa kala ah:

1-Wasiirka Amniga Gudaha

2-Wasiirka Gaashaandhigga

3-Wasiirka Cadaaladda

4-Wasiirka Arrimaha Gudaha

5-Wasiirka Maaliyadda

6-Wasiirka Arrimaha Dibadda

Sidoo kale, waxaa ka maqan dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada oo qaybta labaad ah, dhinaca saddexaad Waa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, halka Taliyaasha Ciidanka ay ka baaqdeen kulankaan.

Villa Somalia oo damacsan in ay duugto kiiska Ikraan Tahliil ayaa waqti ku bixisay in kulankaan uu qabsoomi si loo sheego in Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo shalay lagu xayiray Jabuuti loogu tilmaamo in uu soo gudbiyay caddeynta xogta inantaan gacanta NISA ku maqan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo uu ku hor istaagayo Kiiska Ikraan Tahliil balse waxaa arrintaas ka dhega-fureystay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ehelkeeda u ballanqaaday in maxkamad lagu dhammeynayo.

Beesha Caalamka oo si dhaw ula socotay arrinta Ikraan Tahliil iyo shirka uu ku baaqay Farmaajo ayaa ku canaaanatay in uu joojiyo isku daygiisa oo ah tallaabo kale uu dalka ku gelinayo qas iyo fowdo lamid ah tii muddo kororsiga oo gacan qaad isku bedeshay Bishii April.