Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay Musharixiinta u tartameysa 4-ta kursi ee ku harsan Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalay saq dhexe soo saaray magacyada musharixiinta u tartameysa 4-ta kursi ee ku harsan.

Madoobe ayaa labo kamid ah kuraasta u xiray Gabdhaha oo waxaa ku tartamaya Layla Nuux Maax iyo Xereedo Maxamed Sheekh oo isku haya kursiga koowaad.

Kursiga labaad ee Gabdhaha gaarka u ah waa kan saddexaad oo ay ku loolamayaan Maryan Faarax Kediye iyo Samsam Maxamed Bishaar.

Waxaa jira kursi saddexaad oo ay ku tartamayaan Rag iyo Dumar, musharixiinta ayaa kala guuleysigooda go’aamin doonna kursigaan halka uu marayo.

No photo description available.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo dhankiisa ku harsan yihiin labo Musharax ayaa dhawaan la filayaa in uu soo gudbiyo musharixiinta u tartameysa.

Waxaa lagu wadaa in Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay bialabato Todobaadka Soo socda.