Ciidanka Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Jubada Hoose.

Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday Saldhig Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Baar Sanguuni.

Dagaalka oo socday in ka badan Saacad waxa ay isku adeegsadeen dhinacyada dagaalamay hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana la maqlayay qaraxyada qoryaha garbaha laga tuuro.

Ciidamo Daraawiishta Jubbaland ayaa iska caabiyay Al-Shabaab iyaga oo kahor istaagay in ay qabsadaan xerada, khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaas.

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa markii ay xabaddu istaagtay kaddib waxa ay tageen goobihii ay ka dagaalamayeen Al-Shabaab.

Askarta ayaa sameeyay howlgal miino baaris ah maadaama dagaalkaas ay uga shakiyeen in lagu mashquulinayay si wadada kasoo baxda xerada Al-Shabaab miino u geliso.

Saraakiil katirsan Dowlad Goboleedka Jubbalnad ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen Al-Shabaab kaddib markii ay kahor tageen duullaan xogtiisa ay heleen.

Maalmo kahor Saldhigga Sanguuni ku yaalla waxaa ka dhacay weerar Shabaab u adeegsatay Hoobiye xili uu booqasho ku joogay Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage.