Jubbaland oo sheegtay in Xubno katirsan Shabaab ay ku qabatay Kismaayo.

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland (JISA) ayaa faah-faahiyay howlgallo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa ka socda howlgallo culus oo amarkooda uu bixiyay Madaxweyne Axmed Madoobe kaddib markii ay kordheen qaraxyada.

Xubnaha la qabtay waxa ay Nabadsugiddu sheegtay in ‘ku dhuumanayeen Magaalada Kismaayo, xogtooda ay heleen kaddib ay fulisay Hay’adda howlgallada lagu qabtay’.

“Howlgalladan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada ayada oo qeybo kalena lagu daba jiro” ayaa lagu yiri warka Nabadsugidda Jubbaland soosaartay.

Magaalada Kismaayo xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo qaarkood lagu dilay mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

“Dhawaan waxaan bulshada la wadaagi doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen” ayaa warka lasii raaciyay.

Nabadsugidda Jubbaland (JISA) ayaa Shacabka ka dalbatay in ay ka gacansiiyaan la dagaalanka Shabaab iyo xubnaha u qaabilsan dilalka, qaraxyada iyo dhibaateynta Indhaha u ah Bulshada.