Kenya oo Askar uga dhimatay Miino loo aasay.

Ciidamo katirsan Militariga Kenya oo ka baxay Soomaaliya ayaa qarax miino loo geliyay inta u dhaxeysa Deegaannada Kayunga oo katirsan Gobolka Laamu & deegaanka kale ee lagu magacaabo Sangur.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaan, ugu yaraan 8-Askari oo Kenyan ah ayay sheegtay in ay ku dishay qaraxa miino ay la eegatay kolonyada.

Ciidanka KDF-ta ayaa qaraxa kaddib riday rasaas Xooggan, waxa ay kasoo degeen Gaadiidkii ay la socdeen iyagoo ku dhaqaaqay howlgallo baaris ah si ay u ogaadaan qaraxaas.

Askarta ayaa muddo kooban hakisay socodkooda maadaama ay ka shakiyeen in miinooyin kale ay ku aasan yihiin wadada ay ku safrayeen inkastoo markii dambe socodkooda sii wateen.

Ciidamada kenyanka ah ee qaraxa loo dhigay waxaa lagu sameeyay bedel, qorshahooda ayaa ahaa dib ugu laabashada xeryaha ay ka diiwaangashan yihiin.

Kenya ciidamada ka jooga Soomaaliya waxaa dhowr jeer la kulmeen qaraxyo iyo Weeraro toos ah oo mas’uuliyadda weeraradaas kaddib ay sheegato Al-Shabaab.

Waqtiyada ugu badan ee weerarada iyo qaraxyada ay la kulmeen ciidanka Militariga (KDF) waa marka bedelka lagu sameeyo iyo xiliyada ay ku howlan yihiin isu gudbinta sahayda iyo agabka militari.