Maxay kawada hadleen Shariif Sheekh Axmed iyo Cali Guudlaawe?

Magaalada Muqdisho waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Shariif iyo Cali Guudlaawe ayaa diiradda saaray sidii doorashada Golaha Shacabka  ee 46-Xildhibaan ay u noqon lahaayeen kuwo ay u siman yihiin musharixiinta ku hamineysa kuraastaas.

Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya ayaa xoojiyay ololihiisa Doorashada waxa uu madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Odoyaasha dhaqanka kala hadlayaa sidii uu heli lahaa Xildhibaanno ku aragti ah.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxa uu Jimcihii ballanqaaday xili uu soo gaaray Magaalada Muqdisho in doorasho xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay uu ka qabanayo Dowlad Goboleedkaas.

Cali Guudlaawe waxa ay siyaasiyiintu si sifeeyeen nin daneynaya in uu waji ka sameysto Musharixiinta iyo mas’uuliyiinta waqti xileedkoodu dhammaado si uusan ugu qasaarin qorshihiisa.

Guudlaawe waxa uu ku faanay in si siman uu usoo gudbiyay musharixiintii u tartantay Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo xubno kala duwan ay kala heleen musharixiinta iyo Villa Somalia.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa qiimeeyay Magaalooyinka lagu dooranayo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo tiro ahaan gaaraya 275-Mudane waxaana uu xaqiijiyay in keliya ay harsan tahay bilaabista howsha.