Pakistan oo Soomaaliya ka gacansiineysa ilaalinta Badda.

Dowladda Pakistan ayaa dhiggeeda Soomaaliya u sameysay ballanqaad ah in ay ka gacansiineyso ilaalinta xeebaheeda kaddib markii guul ay ka gaartay Kenya.

Danjiraha Soomaaliya ee Pakistan Khadiija Maxamed Almakhzoumi iyo Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan Admiral Muhammad Amjad Khan Niazi ayaa ku kulmay Magaalada Islamabad.

Afhayeenka Ciidanka Badda Pakistan ayaa kulanka Danjiraha iyo Taliyaha ku sheegay mid ay diiradda ku saareen Xoojinta Xiriirka, Iskaashiga Badaha labada dhinac & arrimaha Amniga Geeska Afrika.

Danjiraha Soomaaliya ee Pakistan ayaa xoojisay kulamada ay la qaadaneyso Madaxda Dalkaas oo intooda badan wadahadalkooda xoogga ku saaraya iskaashiga Xukuumadaha Muqdisho & Islamabad.

Khadiija Maxamed Almakhzoumi oo ah Danjiraha Soomaaliya ee Pakistan waxa ay kormeyr ku sameysay Taliska guud ee Ciidamada Badda Dalkaas si ay usoo aragto agabka ay ku howlgalaan Ciidamada Dalkaan dhaca Koofurta Aasiya.

Pakistan ayaa ah dal ku horumaray hubka casriga ah iyo sameysashada gantaallada, Soomaaliya ayaa fursad u heleysa in loo tababaro ciidamada ilaalada badda.