Raila Odinga oo ku dhawaaqay Go’aan la xiriira Soomaaliya oo wadna qaban ku noqday Kenyatta.

Hoggaamiyaha xisbiga ODM, Raila Odinga, ayaa u balan qaadey beeraleyda Jaadka ee Meru, inuu u keeni doono suuq ay u iib geeyaan wax soo saarkooda, kuwaasoo kala ah dalal kala duwan, haddii uu ku guuleysto tartanka madaxtinimada ee sanadka danbe 2022-ka ka dhacaya Kenya.

Odinga ayaa ka hadlayey magaalada Mau, ee katirsan is maamulka Meru isniintii, maalintii koowaad saddex maalmood oo uu ka ololeyn doono halkaasi, iyadoo uu baadi goob uggu jiro dad u codeeya, kuwaasoo kunool dhanka bari ee dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Mount Kenya.

Ra’iisal wasaarahan hore, ayaa sheegay in dalalka uu ka goobi doono suuqa Jaadka uu kamid yahay dalka Congo DR iyo Soomaaliya.

Madaxa xisbiga ODM, ayaa wacad ku marey inuu xalin doono arrinta muranka xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, si suuqa halkaasi ka ijro uu u noqdo mid sugan.

Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ayaa soo saartey bishan xukun ay ka gaartey murankii badda ee u dhaxeeyey labadda dal ee Soomaaliya iyoKenya.

Wuxuu intaa ku darey hoggaamiyaha inuu dalal kale oo shisheeye, ay macquul tahay inuu ka raadiyo suuqa Jaadka, si dibadda lagu iibiyo.