Rasaas ay fureen Ciidanka Liyuu Booliis oo Sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Dad ku dibadbaxayay Degmada Dhuxun ee Gobolka Nogob Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa rasaas ku furay Ciidanka liyuu Booliis.

Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay rasaastaas sida ay xaqiijiyeen dadka goobjooga u ahaa dhacdadaan.

Haween iyo Carruur ayay u badnaayeen dibadbaxayaasha, inta la xaqiijiyay haweeney Nimco magaciisa lagu soo koobay ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen Shan kale.

Saldhigga Booliiska Degmada waxaa hortagay Dad ka carooday rasaasta Ciidanka Liyuu Booliis ku furay rayidka ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

Taliska Booliiska Degmada ayaa durba wadahadal isugu yeeray Odoyaasha dhaqanka si uu u xaliyo dibadbaxa oo sii xoogeystay.

Shacabka hor tuban Saldhigga Booliiska ayaa ku hanjabay in haddii cadaalad ay heli waayaan dhibanayaasha in dibadbaxooda uu sii xoogeysan doonno.

Ilaa haatan wax warbixin ah kama soosaaray Hay’adaha ammaanka dhacdadaan lagu rasaaseeyay Dadka rayidka balse waxaa lagu wadaa in Booliiska uu ka hadlo.