Somaliland oo qasab ku masaafurineysa Shacab ku sugan Gobolka Sanaag.

Somaliland ayaa ciidan Booliis ah u diyaarisay in ay u adeegsato qorshaha ay ku masaafurineyso Dad tiro ahaan lagu qiyaasay in ka badan 1000-ruux oo kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya.

Digniin maamulka Muuse Biixi uu siiyay qoysaskaan oo ayaa maanta idlaaneysa wixii ka dambeeya Berri oo ah 21-ka October 2021 waxaa bilaabanaya raafka.

Dedaallo kala duwan oo ay sameeyeen qoysaskaan si ugu yaraan ay ugu baaqsadaan in laga masaafuriyo deegaannada ay muddada fog joogeen ayaa guuldareystay.

Somaliland oo cambaareyn iyo cadaadis xooggan kala kulantay go’aankii hantidooda iyo guryihii ay degenaayeen qoysaskii ay ka masaafurisay Gobolka Sool ayaa qorshe cusub dejisay.

Digniinta ay u jeediyeen Dadka rayidka ah ee aan awoodda u lahayn in ay isaga safraan Gobolka Sanaag ayaa sababtay cambaareyn xooggan oo timid dhanka Dowladda Federalka iyo Qaramada Midoobay.

Saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Sanaag ayaa ku adkeystay in wixii ka dambeeya khamiista si qasab ah ay guryahooda uga saarayaan shacabkaan.

Somaliland ayaa diyaarisay Gaadiid kuwa Xamuulka ah oo ay damacsan tahay in ay ku rarto Dadkaan si ay u gaareen deegaannada Puntland.