Soomaalida UK oo dacwo ka gudbisay Dad ugu hanjabay Dil.

Wixii ka dambeeyay dilka loo geystay Xildhibaan Sir David Amess waxaa sii kordhay hanjabaadda joogtada ah ee loo dirayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool UK.

Hanjabaadda ayaa timid kaddib markii Muwaadin asal ahaan Soomaali ah loo xiray dilka Xildhibaanka maadaama ciidanka ay ku qabteen goobta lagu mindiyeeyay David Amess.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa dhalashada ugu weyn ee ninkaan kusoo koobtay Soomaali taasi oo keentay in welwel lasoo derso Jaaliyadda Soomaalida oo waraaqo loo diray.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa bilawday sidii Dowladda ay u muujin lahaayeen in ay ka aragti duwan yihiin Ninka dilka ku eedeysan oo ah muwaadin Biritish ah oo gacanta ku jiro..

Waxaa la xiray Goobaha Ganacsiga, Xafiisyada iyo baraha ay ku kulmaan Dadka Soomaalida sabab la xiriirta in qof weliba uu ka cabsaday in loo beegsado dilka Xildhibaan David Amess.

Kaahiye Cilmi oo ah Afhayeenka Jaaliyadda Soomaalida ee UK ayaa Dowladda ay u gudbiyay cabasho la xiriirta Caga-jugleynta lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ka jaaliyad ahaan ay ka falceliyeen dilka loo geystay Xildhibaankaan isla markaana ay muujiyeen in muwaadinta ku eedeysan falkaan lagula xisaabtamo wixii mas’uuliyad ah oo ka yimaada waxa uu sameeyay.

“Warbaahinta ayaa nagu bidhaameysa Dadka Hanjabaya, Dadka waddankaan degen waxa ay fiirinayaan Magaca Soomaaliya oo ma eegayaan kan British, Dadka neceb ee Ajaanibta gaar ahaan Muslimiinta ayaa bilaabay in ay direen Waraaqo Hanjabaad ah, waxaana la xiray Xafiisyada qaar si looga feejignaado sheekadaan socota” ayuu yiri Kaahiye Cilmi.

Ingiriiska waxaa kunool Soomaali badan, haatan waxa ay muujinayaan xaalad feejignaan ah si ay uga badbaadaan beegsi weliba oo uga yimaada Dadka caddaannimada la weyn tahay.