Waa imisa miisaaniyada Dowladda ee ay ansixiyeen golaha wasiiradda?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, ansixinta miisaaniyadda dowladda 2022 iyo Guddiga fulinta wareegtadii Madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu horayn ansixiyey miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadka 2022 oo dhan 699.1 Milyan sida uu sheegay afhayeenka Xukumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo warbaahinta la wadaagay qodobadii looga dooday shirka golaha wasiiradda Soomaaliya.

“Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey in Cabdulqaadir Cilmi Cali loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka.golaha ayaa u mahadceliyay Agaasimihii Hore ee Hay’adda Maxamed Aadan Koofi “shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay”.

Golaha wasiiradda oo maanta iskugu yimid kulan aan caadi ahayn aya sidoo kale ansixiyay guddoonka haya’ada batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS isaga oo tixraacaya go’aankii Xeer Madaxweyne ee ku aadanaa ku Takri-falka iyo Masuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilligan doorashada oo uu saaray Madaxweynaha JFS  27 Oktoobar 2021 ayaa waxa uu magacaabay guddi heer Wasiir ah oo qaabilsan ilaalinta iyo ka hortagga in la masuqmaasuqo dhulalka danti guud, waxana xubnaha guddigaas ay kala yihiin

Wasiirka A/Gudaha iyo Dib u Hishiinta Mukhtaar Xusen  Afrax              Guddoomiye

Wasiirka Cadaaladda    C/qaadir Maxamed Nuur                    Xubin

Wasiirka Amniga Gudaha    C/laahi Maxamed Nuur               Xubin

Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare  C/laahi  Abiikar X. Xubin