Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka dhaceysa Doorashada afar kursi oo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ah.
Kuraasta la dooranayo labo kamid ah waxaa u tartamaya Xildhibaannadii ku fadhiyay afartii sano lasoo dhaafay, halka labada kale midkood uu tartanka isaga haray kan kalena uu geeriyooday.
HOP#213 Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed ayaa Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed kursigaan ku metalay afartii sano ee dhammaatay.
HOP#154 waxaa ku fadhisay Sareda Maxamed Cabdalla oo Afartii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhiday waxa ay kamid tahay musharixiinta u tartameysa.
HOP#180 oo uu ku fadhiyay Daahi Cabdi Cabdulle Dr. Go oo ku fadhiyay kursigaan ayaa isaga haray kaddib cadaadis uu saaray Maamulka Madaxweyne Laftagareen.
HOP#193 uu ka geeriyooda Maxamuud Maxamed Bono waa kursi ay damacsan tahay Villa Somalia in ay meel cidlo ah ka boobto.
Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Koofur Galbeed waxaa kasoo laabtay Cabashooyin la xiriira hab maamulka kuraasta, ergada iyo xushmad darro loo muujiyay musharixiinta.
Villa Somalia ayaa sababta ay Laftagareen u geysatay Koofur Galbeed ah in ay ku boobto kuraasta Golaha Shacabka balse waxaa tallaabadaas kahor yimid Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo mas’uul ka ah Doorashada iyo hab maamulkeeda ayaa ballanqaaday in si hufnaan iyo cadaalad ah ay u dhaceyso Doorashada waxna uu ka qabanayo Cabashooyinka taagan.