Beesha Caalamka oo soo jeedisay in la dedejiyo Doorashada Golaha Shacabka.

War kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhanka Doorashada, madaxda Dowlad-Goboleedka ayaa si gaar ah looga dalbaday in la qabto Doorashada.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in si dhakhso ah horumar looga sameeyo doorashooyinka, iyagoo sheegay jadwala doorashada uu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, ayna muhiim inn la dardargeliyo.

DG Galmudug ayaa warsaxaafadeedka looga dalbaday in ay soo dhammeystirto doorashada labada kursi ee Aqalka Sare ka harsan si aqalkaas uu u dhammeystirmo.

Qoraalka Beesha Caalamka ayaa u qornaa

Saaxiibada caalamku waxa ay aad uga walaacsan yihiin dib u dhacyada joogtada ah ee ku yimi hannaanka doorashada Soomaaliya. Iyadoo dhawaan ay bilaabatay hannaanka codeynta ee Golaha Shacabka ayaa ah horumar wanaagsan, haddana jadwalka doorashada ayaa ah mid dib u dhac weyn ku yimid waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo.

Waxaan ku boorineynaa madaxda heer qaran iyo heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo hay’adaha maareynta doorashada inay si dhaqso ah ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorashada Golaha Shacabka ee loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo ka hor dhammaadka 2021, iyadoo la ixtiraamayo qoondada ugu yar ee boqolkiiba 30 ee haweenka. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug inay si deg deg ah u doortaan labada kursi ee harsan si loo dhameystiro hannaanka doorashada Aqalka Sare.

Saaxiibada caalamku waxay xuseen in dhawaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Waxaan u soo jeedinaynaa labada hoggaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyey, dibna ay diiradda u saaraan mudnaanta qaranka, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka doorashada.

Saaxiibada caalamku waxay mar labaad ku baaqayaan in si buuxda oo degdeg ah loo fuliyo heshiisyada 17 Sebtembar 2020 iyo 27ka Meey 2021.

Todobaadkii hore waxaa Muqdisho lagu daah-furay doorashada golaha Shacabka oo labadii kursi ugu horreysay ay dooratay ergada Gobollada Waqooyi inkastoo dacwo laga gudbiyay kursiga HOP239 ee uu ku fadhiyo Ra’isiul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed.