Ciidanka Madaxtooyada Galmudug oo xiray maleeshiyaad dil ka geystay Mudug.

Ciidanka gaarka ah ee Madaxtooyada Galmudug ayaa ku guuleystay in todobaad kaddib gacanta ay ku dhigaan maleeshiyaad dilal ka geystay Koofurta Gobolka Mudug.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Maxamed Gaanyac Cabdulle oo ay wehliyeen saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga, Maamulllada Mudug & Baxdo.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa soo qabashada rag ku eedeysan in Deegaanka Dhagtuur & deegaannada kale ee u dhaw ay ku dileen dad rayid ah oo kiiskooda loo gudbiyay Galmudug.

Ciidamada ayaa soo bandhigay 7-da eedeysane oo ka xiran gacmaha, intaas kaddib waxaa loo gudbiyay Magaalada Dhuusamareeb si loogu xiro Xabsiga ilaa maxkamadda looga sii gudbinayo.

Xukun sugayaasha ayaa u badan da’ dhexaad, muddo waxaa daba socday ciidamada gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo heysta macluumaadkooda.

Ujeedka loosoo qabtay ayaa ah in lagu soo afjaro kiisaska dilalka ah ay geysteen si maleeshiyaadka kale ay ugu quustaan maadaama dilalka aanooyinka dad badan lagu dilay.

Galmudug ayaa xoogga saartay sidii gacan adag ay uga qaban lahayd maleeshiyaadka dilalka ka geysta deegaannada miyiga ah si looga fogaado isku dhacyo dhexmara beelaha walaalaha ah.

May be an image of 2 people and outdoors

May be an image of 10 people and outdoors

May be an image of 4 people, people standing, military uniform and outdoors

May be an image of 7 people, military uniform and outdoors