Deni oo Garoowe kusoo bandhigay ciidan uu ku weerarayo PSF.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo bandhigay ciidan hubeysan oo wata gaadiid dagaal si ay u weeraraan xeryaha ciidanka PSF.

Deni oo ka warqabo awoodda Ciidanka gaarka u tababaran ee heysta hubka Mareykanka uu bixiyay waxa uu diyaariyay askar muddo dheer uu ku hayay Garoowe.

Muuqaallo laga soo qabtay ciidankaan oo maraya Bartamaha Garoowe waxaa ka dhex muuqday Gawaarida waa weyn ee hubka culus lagu xiro, Cabdi bile & Gaadiidka Madaxtooyada.

Siciid Deni ayaa damacsan in uu awood ku dayo ciidanka gaarka u tababaran ee Nabadsugidda ah ee PSF maadaama hoggaankoodu ka biyo diiday xil ka qaadista agaasimahooda.

Madaxweynaha puntland ayaa ku hanjabay in aysan jirin cid uu uga heebeysanayo hab maamulka Dowlad Goboleedkaas maadaama awood dastuur uu u leeyahay arrintaas.

Siciid Deni ayaa horay u sameeyay tijaabooyin aan jirin cid ku qabsatay iyo dad wax iska weydiiyay waxaana kamid ah weerarkii Xarunta Baarlamaanka Puntland.

Deni ayaa si awood ah u riday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, mooshinka ka yimid madaxtooyada ayaa si dagaal ah lagu dhex geeyay aqalka Baarlamaanka.

Tallaabada labaad waxa ay ahayd in fadhiga Baarlamaanka uu ku dhex handado xildhibaanno dhaliilay sugidda amniga Gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xasaanadda ka joojiyay Xildhibaanno dhaliilay waxyaabaha uu maamulkiisa ka gaabiyay, dhammaan tallaabooyinkaas ma jirto cid wax iska weydiisay.