Laftagareen oo Haweeney Xafiiskiisa katirsan siiyay kursi Baarlamaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa markale majaha la galay ceeb muujineysa faragelintiisa Doorashada.

Laftagareen oo ka reebay Doorashada Guddoomiyihii Baarlamaanka 9aad iyo 10aad Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markale boob sameeyay.

Aamina Maxamed Mursal oo Laftagareen u qaabilsan la talinta Haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa ka dhaadhicisay in sanadkaan ay ka faaiideysato kursiga ah HOP#213.

Laftagareen ayaa sii xoojiyay kursi boobka uu ku sameynayo Magaalada Baydhabo, balse waxaa jira kuraas yar oo ka badbaaday boobkaas.

May be an image of 3 people, people standing, people sitting and outdoors

Aamina Maxamed Mursal oo ku guuleysatay kursiga HOP#213 ayaa heshay (79 Cod), Aamina Xuseen oo ah musharaxadda laga guuleystay ayaa heshay (12 cod) waxaana halaabay (6 Cod).

Xisbiga Wadjir ayaa kursigii ugu horreeyay ka helay Koofur Galbeed Soomaaliya, Salaad Maxamed Nuur (Aliyow) ayaa ku guuleystay kursiga uu Laftagareen damacsanaa in uu boobo ee ah HOP# 180.

May be an image of 3 people, people sitting and people standing

Salaad ayaa helay Codad dhan (87 Cod), musharixii la loolmay ayaa keensaday codad gaaraya (9), halka ay halaabeen (4) sidaasi waxaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed oo natiijada ku dhawaaqay.