Mareykanka iyo Iiraan oo dib ugu xaajoonaya heshiiska Nukliyeerka ee Trump uu burburiyay.

Wadahadalo xasaasi ah oo Iran lala yeelanayo si looga hortago burburka heshiiskii Nukliyeerka ayaa dib uga furmaya Vienna shan bilood kadib.

Saraakiisha ayaa ka wadahadli doona suurtagalnimada ku soo laabashada Mareykanka ee heshiiskii 2015, kaasoo xaddidayay dhaqdhaqaaqa Nukliyeerka ee Iran taa beddelkeeda laga qaadayo cunaqabateynta.

Iran ayaa jebisay ballamihii muhiimka ahaa tan iyo markii uu xilligaas xilka ka dagay madaxweyne Donald Trump 2018 kaas oo dib u soo celiyay cunaqabateyntii Mareykanka.

Joe Biden wuxuu diyaar u yahay inuu kor u qaado haddii Iran ay ka noqoto jebinta xeerarkaas. Laakiin Iran waxa ay doonaysaa in Maraykanku uu qaado talaabada ugu horreysa.

Dublamaasiyiinta reer galbeedka ayaa ka digay in wakhtigu ka dhamaanayo wada xaajoodka xalkiisa, sababo ah horumarka la taaban karo ee Iran ay ka samaysay barnaamijkeeda tayaynta Yuraaniyaamka, taasi oo ah dariiqa suurtogalka ah ee loo maro bamka Nukliyeerka.

Iran dhankeeda waxa ay ku adkaysanaysaa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu gabi ahaanba yahay mid nabadeed.

Wadahadallada u dhexeeya Iran iyo shanta waddan ayaa weli qayb ka ah qorshahan sida rasmiga ah ee loo yaqaan ‘Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA)’ – Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo UK – kaas oo ka billowday caasimadda Austria bishii Abriil, iyadoo wakiillo Mareykan ah ay si dadban uga qaybgaleen.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa u sheegay wargeyska New York Times in heshiis ku saabsan tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado, marka ay Washington iyo Tehran “si weyn u dhammaystiran yihiin” ka hor doorashada madaxtinimada Iran ee bisha June.

Ebrahim Raisi, oo ah nin mayal adag oo aad u dhaliila reer galbeedka, ayaa ku guulaystay tartankii uu ku doonayay inuu xilka kala wareego Hassan Rouhani, oo qunyar socod ah kaas oo ahaa ninkii JCPOA kala xaajooday maamulkii Barack Obama.

Mr Raisi ayaa balan qaaday ka hor inta uusan xafiiska la wareegin bishii Ogosto in uusan ogolaan doonin in wadahadaladu ay sii dheeraadaan, balse ma uusan aqbalin in uu ku laabto Vienna ilaa horraantii bishan.

Waxa uu ku adkeystay in wada xaajoodyada Iran aysan ka laaban doonin “sinaba” si ay u difaacdo danaheeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay inay ka rabaan Maraykanka ” qirashada dambiga”; in si degdeg ah looga qaado dhammaan cunaqabateynta Mareykanka; iyo “dammaanad” ah in madaxweyne Maraykan ah oo mustaqbalka ahi aanu mar kale ka noqon doonin heshiiska.

Ergeyga gaarka ah ee Mr Biden u qaabilsan Iran, Robert Malley, ayaa sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu qaado dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah si uu dib ugu soo laabto fulinta heshiiskaas, oo ay ku jirto qaadista cunaqabataynta uu saaray maamulka Trump ee curyaamiyay dhaqaalaha Iran.

Laakin Mr Malley waxa uu sidoo kale uga digay Iran in “daaqadda wada xaajoodka… aysan furnaan doonin weligeed”.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay in “door kastaa miiska u saaran yahay” haddii Iran aysan si daacad ah ugala xaajoon doonin barnaamijkeeda Nukliyeerka in “dib loogu soo celiyo halkiisii”.

Muhiimadda ugu weyn ee JCPOA ayaa ahayd soo saarista Iran ee uranium-ka hodanka ah, taas oo si weyn loogu isticmaalo shidaalka warshadaha tamarta nukliyeerka laakiin sidoo kale loo isticmaali karo hubka nukliyeerka.

Iran waxay ogolaatay inay xaddido cadadka ay kaydin karto; heerka daahirsanaanta; tirada iyo nooca mashiinnada centrifuge ee loo isticmaali karo in lagu fuliyo kobcinta; iyo meelaha ay ka dhici karto.

Waxay bilowday inay si tartiib tartiib ah u jebiso xannibaadahaas 2019 iyada oo ka aargoosanaysa cunaqabataynta uu dib u soo celiyay Mr Trump, kaasoo ugu yeedhay JCPOA “mid cilad leh” oo uu doonayay inuu ku qasbo hoggaamiyeyaasha Iran inay ka xaajoodaan beddelka heshiiskaas mid ka duwan.

Iran waxa ay hadda diyaarsatay kayd uranium ah oo la tayeeyey oo in badan ka badan intii loo oggolaa.

Waxa kale oo ay rakibtay boqollaal qalabka kala macdanaha iyo curiyayaasha ; waxaana la qaaday tillaabooyin lagu soo saarayo birta uranium-ka iyada oo la si tarminayo taas oo ah shay muhiim u ah bambooyinka Nukliyeerka.

Kormeerayaasha ka socda Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah ayaa sidoo kale si weyn loo dhimay gelitaanka ay geli lahaayeen xarumaha Nukliyeerka ee Iran.