Maxay yihiin labada qodob ee Rooble u balanqaaday Midowga Mushariinta?

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gaar ah isagu yeeray Midowga Musharixiinta Mucaaradka, kaas oo ay uga wada hadleen arimaha doorashooyinka dalka kadib markii shalay mucaaradku sheegay inaysan aqbali doonin natiijadda doorasho lagu shubtay.

Qoraal uu faafiyay xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda ayaa lagu sheegay in Midowga Musharaxiinta aywalaac weyn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aanay raali uga noqon karin habka ay  iminka wax u socdaan.

Rooble ayaa dhankiisa Madaxda Musharaxiinta uga warbixiyay dadaalkiisa “la xariira xaqiijinta hufnaanta doorashada waxa uuna la wadaagay inuu faray  Guddiyada doorashada in  ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu hishiiyay ee doorashooyinka”.

Maxay yihiin labada qodob ee Rooble u balanqaaday Musharixiinta?

  1. 1:- In uu shir deg deg ah iskugu yeerayo Gollaha Wadatashiga Qaranka kaas oo looga hadlayo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira.
  2. 2:- In Guddiyada Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed  iyo heer Federaal uu u qabanayo  sidoo kale shir foogaan arag ah kaas oo lagaga hadlaayo daahfurnaata doorashada.

“Rooble isaga oo tixgalinaya tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka  ee ay muujiyeen Midowga Musharaxiinta ,dareenka shacabka Soomaaliyeed  iyo Bulshada Caalamka ayaa waxa uu ballan qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa yimid iyada oo, midowga Musharixiinta ay kulamo ka billaabeen Muqdisho, iyaga oo sheegay in aysan aqbali doonin hadii ay dhacdo doorasho ku shubasho ah.

Musharixiinta ayaa ka digay haliska ka dhalan karta doorasho la boobey, oo aan loo dhameyn dhamaan saamileyda siyaasadda dalka, iyadoo eedo loo jeediyay Rooble oo isbedel ku yimid balan-qaadkiisa kadib safarkii Qatar October 2021.