Suuqa Xoollaha:-NISA oo u dhacday kaydkii Al Shabaab soona qabatay 3 sarkaal+Sawirro.

Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Qaranka Soomaaliya NISA, ayaa sheegtay in ay degmada Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ay ku soo qabatay Saddex sarkaal oo ka tirsan Al Shabaab sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Hay’adda.

Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in howlgalku si gaar ah u dhacay xaafada Suuqa Xoollaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

“Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa xalay ka fuliyay Degmada Heliwaa ee Suuqa Xoolaha ayaa lagu soo qabtay saddex Horjooge oo Alshababaa ka tirsanaa” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA, ayaa sheegtay in ay Suuqa Xoollaha ku soo qabteen keyd hub oo ay lahaayeen Al Shabaab, kaas oo ay ku jireen nuucyada kale duwan ee hubka.

Al Shabaab dhankooda kama aysan hadlin sheegashada NISA ee ah in ay u dheceen kaydkii hubka ee Al Shabaab isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen hub ay la haayeen Al Shabaab.

Ciidanka Booliska iyo kuwa NISA, ayaa maalmihii la soo dhaafay magaaladda Muqdisho ka fuliyay howlgalo lagu xaqiijinayay amaanka caasimadda.

Dhawaan dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab, ayaa guriisa magaaladda Muqdisho kala baxday Macalin Siciid Cabdullaahi Dilib Seerjito oo horay ula soo shaqeeyay Al Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ka hor inta uusan isku soo dhiibin Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Guriga ay kala baxeen oo ku yaala degmada Deyniile, ayaa ah mid ka sameysan Jiingad, waa aqalada dadka qaarkii ay u yaqaanaan bacweynayaasha, iyadoo kooxda afduubatay ay Maqas weyn ku jeexeen Jiingadda guriga oo ay sidaas u galeen.

Al Shabaab waxa ay duleedka Dayniile ku leeyihiin saldhigyo waaweyn iyo Maxkamada, waxaana dhowr jeer weeraro ku galay xubno NISA ah oo ay dagaalamayaal ka soo kaxeysteen.May be an image of outdoors

May be an image of outdoorsMay be an image of outdoorsNo photo description available.May be an image of outdoorsMay be an image of outdoorsMay be an image of 1 person