Villa Somalia oo ku fashilantay Boob ay la damacsaneed Kursiga Jawaari.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa hakiyay doorashada kursigii dhawaan loo diiday in uu tartamo Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

War kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in cabasho xoogan ay ka timid qabashada kursigaasi, islamarkaana la hakiyay ilaa inta laga helaayo xal buuxa.

Qoraalka Guddiga ayaa u qornaa:

No photo description available.Ceeb iyo fadeexo ayaa ka taagan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka deegaannada qaar kaddib markii Villa Somalia si toos ah boob u sameysay.

Arranta looga reebay Jawaari ayaa ah qorshe ay wada ogyihiin Cabdicasiis Laftagareen, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Siyaasiyiin, Hay’ado iyo dalalka taageero Soomaaliya ayaa ku baaqay in boobka laga daayo kuraasta si doorashadu ay u noqoto mid daah-furan oo codadka lagu kala adkaado.