Boqortooyada Ingiriiska ayaa dalbatay in culeyska laga hor wareejiyo Doorashada Soomaaliya si loogu soo gabagabeeyo waqti kooban.
Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Doorashada lagu soo gabagabeeyo ugu badnaan 2 bil si aan waqti kale loo dhumin.
Foster waxa ay tilmaamtay in ay garab taagan tahay qabsoomidda Doorasho xor iyo xalaal ah oo dhammaan dhinacyad ay quseyso ku qanacsan yihiin.
Rajo wanaagsan ayay ka muujisay in waqti kooban lagu jaangooyo shirka Golaha Wadatashiga qaranka uu uga arrinsanayo jadwalka ugu dambeeya ee doorashada Soomaaliya.
Waxa ay bogaadisay kaalinta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu mas’uuliyadda isaga saarayo qabsoomidda Doorashooyinka Dalka isaga oo horay u caddeeyay in dhammaan dhinacyada kala duwan ay u siman yihiin.
UK ayaa sheegtay in muhiim ay tahay hubinta doorka dumarka ay ku leeyihiin kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11aad.
Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Haweeneyda lagu magacaabo Kate Foster ayaa ka qaybgashay kulamo badan oo looga hadlayo ka gudubka caqabadaha hortaagan Doorashooyinka.
Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka waxa ay ugu baaqday in ay fududeeyaan Doorashada uu mas’uulka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.