Axmed Madoobe oo Laftagareen u fuliyay mid kamid heshiisyadii wada galeen.

Safarkii Cabdicasiis Laftagareen uu ku tagay Kismaayo Bartamihii December 2021 waxa uu la xiriiray kuraas is dhaafsi dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Axmed Madoobe oo raba xubno Baarlamaan oo ku heyb ah si dhawna ay isku fahamsan yihiin, halka Laftagareen uu damac ka galay kursiga Maxamed Xasan Idiris Ganey.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku dhiiraday in uu meesha ka tuuro Xildhibaan Ganey oo geed dheer iyo mid gaaban u kortay difaacidda Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madoobe oo ku qasban fulinta heshiiska Laftagareen ayaa iska indha tiray waxqabadka Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris, maanta ayuu u gacan geliyay laftagareen kursigii uu la rabay Xasan Eeley Wasiirka Gaadiidka Koofur Galbeed.

Kursiga Tirsigiisu yahay HOP#126 waxaa ku tartamay Wasiirka Gaadiidka DG Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen waxaana ay kala heleen codad gaaraya.

Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) 74 Cod.

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen 21 Cod.

Waxaa halaabay 5 cod sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal.

Waxaa loo gudbay Doorashada kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP#127, waxaa ku fadhiyay Cali Cismaan Xirsi balse waxaa ku tartamay Cabdulqaadir Cabdullaahi Xirsi iyo Dr Axmed Aadan Axmed oo kala helay codadkaan.

Dr. Axmed Aadan Axmed ayaa helay 84 cod

Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi ayaa helay 16 cod

Waxaana halaabay 1 cod.

Kursiga saddexaad HOP#118 kuna fadhiyay Saqar Ibraahim Cabdalla waxaa isu diiwaangeliyay Musharixiinta kala ah Cumar Maxamed Cumar & Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Cumar ayaa ka tanaasulay u tartamidda kursiga, codeyn u dhacday qaab gacan-taag waxaa ku guuleystay Yuusuf Maxamed Ismaaciil sida uu sheegay Guddoomiyaha SEIT Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal oo natiijada ku dhawaaqay.

Marka laga reebo Doorashada kursiga HOP#118 oo u dhacday qaab gacan-taag ah labada kursi ee kale waxaa lagu kala baxay codeynta sanduuqa.