Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo aan 10 bilood mushaar la siin.

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaan wax gunno ah helin 10-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kulan dhex maray guddiga difaaca ee baarlamaanka Uganda, wasaaradda gaashaandhigga iyo askarta.

Kooxda uu hogaaminayo Jacob Oboth oo ah Wasiiru Dowlaha Difaaca ayaa ka soo hor muuqday Guddiga si ay u soo bandhigaan odoroska miisaaniyada sanad maaliyadeedka 2022/2023.

Intii uu socday kulanka, xildhibaanka laga soo doortay koonfurta Bukanga Stephen Kangwagye ayaa wasaaradda ka codsaday in ay caddeyso wararka sheegaya in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) aysan wax gunno ah qaadan muddo labo sano ah.

Edith Buturo, oo ah ku xigeenka xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga, ayaa arrintaasi ku gacan seyray wararka sheegaya in ciidamadan aan la siinin gunnooyinkooda muddo labo sano ah. Taa beddelkeeda, ayay tiri, waxay dalbanayaan lacag-bixinno laga bilaabo Maarso 2021.

“Lacagta aan siino ciidamadeena waxaa na siiya Midowga Afrika-AU waxayna daba socotaa isfaham gaar ah, qaab-dhismeedka sharci iyo qaab-dhismeedka miisaaniyadeed.”ayay sii raacisay.

“Markaa waanu raacnaa waxa dukumeentiyadani bixiyaan,” Buturo ayaa yidhi.

Waxa ay intaasi ku dartay in bilihii ka horeeyay March 2021 ciidamada la siin jiray gunnooyin ka badan mushaarkooda oo ay ka heli jirtay dowladda Uganda oo aan wax dayn ah lagu lahayn.

AMISOM waa ciidamo nabad ilaalin heer gobol ah oo ay maamusho Midowga Afrika-AU, iyadoo ogolaansho laga helayo Qaramada Midoobay – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Uganda waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo askartooda u soo dira Soomaaliya, sidaas darteed waxay hormuud ka ahayd AMISOM bishii Maarso 2007.

Ciidamadan ayaa dagaal kula jira Kooxda Al-Shabaab iyo ilaalinta dawladda caalamku taageero ee Muqdisho. Dalalka kale ee ku jira Amisom waa Kenya, Itoobiya, Burundi iyo Jabuuti.

Wadamadan ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ku dhawaad 22,000 oo askari waxaana laga yaabaa in dhawaan dalka ka baxaan maadaama wadankaan ku yaalla geeska qaarada Afrika uu dalbaday in ciidankaan dala laga saaro

Al-Shabaab ayaa weli khatar ku ah dalka, iyadoo warbixino rasmi ah ay muujinayaan in kooxda ay dishay in ka badan 5,000 oo qof gudaha Soomaaliya iyo xuduudaha. Joogitaanka AMISOM ayaa si la taaban karo u xasiliyay dalka.