Dagaal ka socda Madaxtooyada Burkina Faso.

Rasaas ayaa laga maqlay meel ku dhow madaxtooyada dalk Burkina Faso, iyadoo ay socdaan howlgallo ay ciidamadu sameynayaan.Xabado ayaa sidoo kale laga maqlayaa dhowr xero oo ku yaalla magaalada Ouagadougou, iyadoo askartu ay dalbanayaan in shaqada laga eryo taliyayaasha ciidamada, iyo dhaqaale dheero ah oo lagula dagaalamo Islaamiyiinta xagjirka ah.

Boqolaal qof oo taageersan ciidamada isu soo bax bax sameyay kuwaa oo ku qasbay maamulka inay soo rogaan bandow xilliga habeenkii ah.Dawladdu waxay sheegtay in la xakameeyey dhibaatada.

Waxa ay meesha ka saartay wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan isku dayga afgambiga cusub, wax yar ka dib markii 11 askari la xiray oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afgambi.Waa tallaabadii ugu dambeysay oo muujineyso tabardarrida dowladda Madaxweyne Roch Kaboré oo ku guuldareysatay inay wax ka qabato kacdoonka islaamiyiinta ee la dagay gobolka Galbeedka Afrika tan iyo sanadkii 2015-kii.

Dibad-baxayaasha taageerayay askarta ayaa dab qabadsiiyay xarunta xisbiga talada haya.

Meelaha rasaasta laga maqlayay waxaa ka mid ah xeryo ciidan oo ku yaalla galbeedka iyo koofurta caasimadda, iyo saldhig ciidamada cirka ah oo ku dhow garoonka diyaaradaha.Askarta lagu helay iskuday afgambi sanadkii 2015 ayaa lagu xiray xerada ku taal galbeedka, oo loo yaqaan Sangoule Lamizana. Dhawaqa Rasaasta ayaa sidoo kale laga maqlay saldhigyo ciidan oo ku yaalla waqooyiga magaalooyinka Kaya iyo Ouagadougou, sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka ee dalkaas.Dalabyada ciidamada waxaa ugu waaweyn ilaa iyo hadda

in xil ka qaadis lagu sameyo taliyaasha ciidanka xoogga dalka iyo nabadsugiddain ciidamo badan la geeyo jiida hore ee dagaalka si ay ula dagaalamaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda in ay helaan ciidamadu daryeel wanaagsan marka ay dhaawacyo ka soo gaaraan dagaallada iyo in gacan la siiyo qoysaska dadkii ku dhintay dagaalka.

Hadal telefishan laga sii daayay oo uu qaranka u jeediyay mar sii horaysay, wasiirka gaashaandhiga Barthélémy Simporé waxaa uu ku sheegay in ay jiraan falal yaryar oo ka dhacay qaar ka mid ah xeryaha ciidamada isaga oo tilmaamay in xaaladda taagan sida loo buunbuuninayo aaney ahayn.Gen Simporé ayaa ku booriyay dadka inay sii wataan howlahooda caadiga ah, isagoo sheegay in dowladdu ay sii deyn doonto faah-faahin dheeri ah wakhtiga ku habboon.Ma cadda halka uu ku sugan yahay Madaxweyne Kaboré, balse wasiirka gaashaandhigga ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayay baraha bulshada ee sheegaya in la xiray.

Dilkii 53 qof loo gaystay bishii Nufeember oo lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen Islaamiyiinta dalkaasi rabshadaha ka wada ayaa sare u qaaday carada shacabka ee ka dhanka ah dowladda, waxayna kordhisay sidoo kale cabsida laga qabo in militarigu uu xukunka la wareego si la mid ah kii ka dhacay dalka deriska la ah ee Mali bishii May.Sabtidii, tobanaan qof ayaa lagu xiray magaalada Ouagadougou, kuwaas oo qabtay isu soo bax la mamnuucay oo ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen awood la’aanta dawladda ee wax ka qabashada xagjiriinta. Mr Kaboré, oo hore u ahaan jiray ra’iisul wasaare, ayaa noqday madaxweyne ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii sanadkii 2015-kii ka dhacaday dalkaasi.