Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaal ka dhacay Deegaanka Cadakibir Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Dagaalka uu dhaxeeyay Ciidamada Dowladda oo garab ka helay Dadka Deegaanka iyo Al-Shabaab, marba marka ka dambeysa waxaa la helayaa faah-faahinta khasaaraha ka dhashay.
Dadka ku dhintay waxaa kamid ah Taliyihii Guutada 13aad qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Cali Caga-weyne, Taliyihii howlgelinta qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan Gasaawe iyo askar kale.
Dhinaca Al-Shabaab waxaa gaaray khasaare Xooggan, waxaana ka geeriyooday saraakiil qaarkood ay u qaadeen deegaanno ka baxsan Gobolka Galgaduud.
Sarkaal katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xaldoon u sheegay in khasaaro dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Gobolka Galgaduud waxa culeys ciidan saaray Al-Shabaab oo tan iyo markii ay bilaabatay Doorashada Soomaaliya weeraray Deegaanno dhowr ah.
Shacabka ku sugan deegaannada Al-Shabaab ay weerareen ayaa sameeyay iska caabin xooggan, waxaana ay garabsiiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug.
Al-Shabaab waxa ay awood isugu geeyeen deegaannada kulaala Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaa socda abaabul ka dhan ah Shabaab si looga hortago weeraradooda.