Maraykanka oo talaabo ka qaadaya Qaswadayaasha doorashada.

Dowladda Mareykanka oo hanjabaaddii labaad muddo 24 saac gudahood ah usoo dirtay madaxda Soomaalida, ayaa sheegtay in ay beegsan doonto “qaswadayaasha” hadii  doorashooyinka Soomaaliya ay dib uga dhacdo 25-ka Febraayo.

waaxda arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arimaha dibada Maraykanka, ayaa ka digtay dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada iyo la fulin waaye heshiiska doorashada golaha shacabka iyada uu taaganyahay is qab-qabsi u dhexeeya xubnaha guddiga doorashada.

“Doorashooyinka Soomaaliya sanad ayey ka dib dhaceen jadwalkooda. Mareykanka waxa uu diyaar u yahay inuu tallaabooyin ka qaado qas-wadayaasha, haddii aan jadwalka Golaha Wadatashiga Qaran aan laga dhabeyn,” ayaa lagu xusay bayaanka oo lagu faafiyay barta rasmiga ah ee Twetter-ka.

Maalin kahor ayey aheyd markii sidan oo kale uu hanjabaad noocan ah u bixiyey afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.

Mareykanka ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay inuu beegsan doono qas wadayaasha Soomaaliya, hase yeeshee weli ficil ma qaadin tan iyo markii uu bilaawday khilaafka doorashada inkastuu uusan qaadin wax talaabo ah

madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhowr mar lagu eedeeyay in uu ka shaqeeyay dib u dhaca codaynta.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho kusoo dhammaaday 9-kii Janaayo ayaa lagu go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka lagu soo afjaro 45 maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka Janaayo kuna eg 25-ka Febraayo.