Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo toogatay askari dilay Bajaajle.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa saaka waxaa ay xulun dil toogasho ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo horay u dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Dilka wadaha Bajaajta ayaa ka dhex dhacay Saldhiga degmada luuq ee Gobolka Gedo, waxaana Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo kamid ahaa Ciidamada Booliska degmada luuq gacanta ku dhigay Ciidamadii ku sugnaa Saldhiga.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad ayaa ku eedeysay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) in uu sibareer ah ugu dilay Marxuum  Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle 3/3/2021 Saldhiga degmada luuq oo katirsan Gobolka Gedo.

Toogashada Askariga dilka geystay ayaa ka dhacday  fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane, waxaana ku sugnaa Ehellada laba Qoys iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

22kii December 2021, Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta 27aad ayaa  dil toogasho ah ku fulisey Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021 Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah oo kubad ku dheelayay Garoon ku yaalla Degmadaas.