Miyaa xal laga gaaray Doorashada Gobollada Waqooyi-Somaliland ee maanta la qabanayo?

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi SEIT Somaliland ayaa maanta Muqdisho ku qabanaya Doorashada 3 kursi oo Golaha Shacabka ah.

SEIT Somaliland ayaa iska dhega-tiray dalabkii Boqor Buur-Madow iyo Senator Cabdi Xaashi oo ahaa in la jooojiyo Doorashada inta laga xalinayo cabasho ay qabaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo dhowaan la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aanay joogsan doonin Doorashada.

Qofkii kahor yimaada ama isku daya in uu joojiyo waxa uu sheegay in loo aqoonsanayo qaswade sidaas awgeed Doorashadu u soconeyso sida loo qorsheeyay.

Xafiiska Xukuumadda Federaalka waxaa ka dhacay kulan lagu dardargelinayo Doorashada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi-Somaliland maadaama mas’uuliyad ka saaran tahay.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Gen. Kaahiye waxaa maanta lagu qabanayaa Doorashada 3 kursi oo Golaha Shacabka ah.

SEIT Somaliland ayaa sheegay in Doorashada HOP#037, HOP#238 & HOP#244 la dhammeystiray dhammaan shuruudaha iyo habraaca loogu talagalay in laga hubiyo kahor inta aanay la qaban doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad.

HOP#037: Huda Axmed Cali ayaa Gobollada Waqooyi ku metashay Baarlamaanka 10aad.

HOP#238: Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ku fadhiyay Golaha Shacabka.

HOP#244: Siciid Maxamed Maxamuud Xayd ayaa Somaliland ku metalay Baarlamaanka 10aad.

72dii saac u dambeysay waxa uu SEIT Somaliland ku howlanaa diiwaangelinta Ergada, xareyntooda iyo diyaarinta agabka muhiimka u ah qabsoomidda Doorashada kuraasta maanta lagu dooranayo Muqdisho.