ONLF oo si deg deg ah uga soo jawaabtay go’aankii xukumadda Rooble.

Jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ee ONLF oo qoraal soo saartey ayaa bogaadisay go’aanka golaha wasiiradda xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ay ururkaas uga saareen liiska argagixisadda.

ONLF oo qoraal kooban ku daabacdey ciwaanka ay ku leedahay mareegga Twitter-ka ayaa ku tilmaamay talaabada xukuumadda Rooble “mid taariikhi oo qarniyada soo aadan la xasuusan doono”.

Sida laga soo xigtey bayaankan, ONLF oo si gaar ah ugu mahadcelisay ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo wasiiradda waxay go’aankan u aragtaa “mid lagu saxay cadaaladii la wiiqay”.

“Go’aankan wuxuu cashar u yahay kuwa sida ku talagalka ah ugu xadguduba xuquuqda ay dadka leeyihiin,” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalkan ku qornaa luuqadda English-ka.

Qaraarka burinta ayaa lagu caddeeyay “in Qalbi-dhax ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin”.

Si lamid ah, qaraarka ayaa lagu caddeeyay in bari-yeelida ONLG loo cuskadey “in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo”.

Qalbi-dhagax ayaa ah xubin sarre oo ka tirsan jabhadda xoreynta ONLF. Sidoo kale, waxaa uu kamid ahaa ciidamadda xoogga Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa dagaalkii lala galay dalka Itoobiya ee sanadkii 1977-dii.