Suudaan oo Jahwareer gashay kaddib markii uu is casilay Ra’iisul Wasaarihii Dalkaas.

Ra’iisul Wasaarihii Jamhuuriyadda Suudaan Abdalla Hamdok ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay kaddib markii ay xoogeysteen dibadbaxyada ka socda dalkiisa ee looga soo horjeedo xukuumadda uu hoggaamiyaha u ahaa.

Xamdok oo kasoo baxay Xabsi guri ay geliyeen Ciidamada Militariga ee Afgambiga ku qabsaday Dalkaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay Warbaahintu hadal heysay in uu Abdalla xilka banneenayo.

Dibadbaxyaasha ayaa cadaadis xooggan saaray Dowladda si gacanta rayidka loogu soo celiyo nidaamka dalkaas, balse Militariga xukunka marooqsaday ayaa awood u adeegsaday dadka isku soo baxay kala raacdeyntooda.

Ra’iisul Wasaare Abdalla Hamdok oo Khudbadda is casilaadda ka jeediyay Teleefishinka qaranka ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu xafiiska banneeyo si loo raadiyo xal kale oo lagu xasilin karo Dalka Suudaan.

“Waxa aan go’aansaday in aan mas’uuliyadda dib usoo celiyo, waxa aan ku dhawaaqayaa in aan iska casilay xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Jamhuuriyadda Suudaan, waa in aan fursad siiyaa rag ama Dumar kale oo dalkaan sharaf ku leh si dhabbaha wanaagsan ee xalka wax uga raadiyaan” ayuu yiri Abdalla Hamdok.

66 sano jirkaan ayaa noqday Ra’iisul Wasaarihii 15aad ee Suudaan soo maray, waxa uu xilka qabtay 21kii November 2021 kaddib markii qalalaasaha dalkaas uu kordhay, dhaqaale yaqaankaan ayaa culeys xooggan kala kulmay dhinacyada kasoo horjeeda hab maamulkiisa.