Taliska Ciidanka Xoogga oo sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 25 Dagaalame.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka  Soomaaliyeed ee Gor-gor ayaa degaan u dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay dagaal adag kula galeen dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab.

25 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab ayuu talisku sheegay in lagu dilay howlgalkaas inta uu socday, qorshaha waxa uu ahaa ilaalinta nabadgalyada wadada isku xirta Tawakal & Bariiri oo dhowr jeer weeraro Jidgal ah Al-Shabaab ka fuliyeen.

“Waxaa Ciidanka kumaandooska xoogga howlgal qorsheeysan ku gaareen inta u dhexeeysa degaannada Tawakal iyo Bariire iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan kaasi oo Jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada.

Taliyaha Ururka 4aad Guutada 17aad ee Gorgor Dhamme Nageeye oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalkaan ay uga hortageen xubno katirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaannada la weeraray.

Dhamme Nageeye waxa uu sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose ay sii soconayaan illaa inta ay ka xaqiijinayaan nabadgalyada waddooyinka isku xira Degmooyinka Ciidanka Xoogga Dalka ka joogaan Gobolkaas.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyaga oo halkaasi dagaalo adag kula gala Al-Shabaab.