Xukuumadda Soomaaliya Muqdisho dib ugu soo celisay Tahriibayaal ku xirnaa Liibiya.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa aroor hore ee saakay ah laga soo dejiyay 97 ruux oo Dhalinyaro ah oo ay ku jiraan 5 Haween oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla Liibiya.

Dhalinyaradaan waxaa socodkooda Xukuumadda Federaalka u sahlay Hay’adda Socdaalka  u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo IOM iyo Dowladda ka jirta Liibiya.

Qaar kamid ah Dhalinyarada oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxa ay sheegeen in qayb kamid ah u dhinteen cudurro xabsiga kula dhacay.

Waxa ay intaas ku dareen in dhowr jeer ehelkooda ay ka bixiyeen lacagaha madaxfurashada ah balse inta laga cunay lagu siiyay xabsiyada ay ku jireen.

Qofka ugu waqtiga yar waxa uu xabsi ku qaatay muddo sanad ah, halka qaarka kale ay ka badan yihiin saddex sano, waxa ay sheegeen in ay xitaa gaareen quus ay ka muujiyaan nafsadooda.

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Cabdisaciid Muuse & mas’uuliyiin kale oo katirsan Xukuumadda Federaalka ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Dhalinyaradaan.

Caydaruus Heybe Cali oo kamid ah Dhalinyarada dib loogu soo celiyay Muqdisho ayaa tilmaamay in dhibaatooyin kala duwan ay la kulmeen muddada uu xirnaa.

Heybe oo ka safray Deegaannada Somaliland ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay dib ugu soo celinta dalkiisa hooyo oo markii hore ay kawadeen khilaafaadka siyaasadeed iyo is qabqabsiga.

“Labo sano ayaan xabsi ku jiray Dalka Liibiya, Dhalinayrada ku fakireysa in ay tahriibaan waxa aan leeyahay waddankiina wax idiin dhaamo malaha, xaalado adag ayaa ka jira xabsiyada ku yaalla Tripoli” ayuu yiri Caydaruus.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisaciid Muuse Cali waxa uu sheegay Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib usoo guryo celinta Muwaadiniinta ku dhibaateysan Liibiya & Dalal kala duwan.

Xabsiyada Liibiya waxaa ku dhibaateysan Dad u badan dhalinyaro oo qaarkood lacago madax-furasho ah ehelkooda laga qaatay si ay usii wataan tahriibka safarkooda badda oo halis kale leh sida in ay naftooda waayaan.