Deni Iyo Karaash oo heshiis hordhaca ah ka gaaray Khilaafkooda.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo kuxigeenkiis Axmed Karaash ayaa kulan albaabada u xirnaa ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee Garoowe, iyagoo ka wada hadlay xal u helista khilaafkooda.

Sida wararku sheegayaan , kulanka oo ahaa mid qabsoomidiisa mudo laga shaqeynayay ayaa intiisa badan diirada lagu saaray sida laga yeelayo saddexdii wasiir ee xilka qaadista uu ku sameeyay Axmed Karaash, kuwaasoo kala ahaa wasiirada arrimaha gudaha, amniga iyo maaliyada, waana saaxiibada ugu dhaw Deni.

Warar laga soo xigtay ilo labada dhinac ah ayaa shaaciyay in laga heshiiyay in xil ka qaadistii saddexda wasiir uu ka noqdo Madaxweyne ku xigeenka loona daayo xilalkooda, qodobkan ayaa ahaa midka ugu adag ee maalmahan dhinacyada isu keenidooda ka shaqeynayay ay ka talaabi waayeen.

Xogaha ayaa intaas ku sii daraya in loo ballamay kulan kale oo ku saabsan arrinta Agaasimayaashii uu xilka qaadista ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka, waxaana jira balanqaadyo maaliyeed iyo mid xilal oo Karaash looga sariftay inuu wax ka bedel ku sameeyo go’aano uu hore u qaatay.

Waxaa socda qaban qaabada kulan kale oo midkan ka balaaran, kaasoo uu goob joog ka noqon doono gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, ujeedka kulankaas ayaa ah sidii qalinka loogu duugi lahaa heshiiska, dhinacyada lagu casuumayna ay korjoogta uga ahaan lahaayeen dhaqan gelinta qodobada lagu heshiiyo.