Xassan Sheekh oo qabyadii uu ka tagay 2016 hada dhamaystiraya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ku wajahan magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa lagu marti qaaday Shir Madaxeedka 22-aad ee Caadiga ah ee Madaxda dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo 21-ka & 22-ka July ka dhicaya Magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim u ah dhaqaalaha Gobolka.

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii xilli madaxeedkii hore ee Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed uu muhiim u yahay safarka Arusha waxaana Madaxtooyadu hoosta ka xariiqday 4-qodob oo foolaad u ah dheefta dalladdaan dadka Soomaaliyeed ay ka faa’idayaan.

1-Fursad Ganacsi iyo Suuq weyn oo ay ka faa’ideystaan.

2-Badeecada ay u iib-geeyaan dalalkaas oo aan canshuur kale laga rabin.

3-isusocodka Bulshada ku mideysan EAC iyaga oo aan u baahneyn dal-ku-gal iyo helitaanka Baasaboorka Bulshada geeska Africa.

4-Xuquuq ganacsi iyo mid Bulsho oo heer gobol ah.

Dowladda Soomaaliya ayaan kamid aheyn ururkaan ay ku midoobeen dalalka ku yaal barriga Afrika, hayeeshee Madaxweynaha ayaa dadaal ugu jira sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd Ururkaas, wuxuuna gudbiyay codsigaan kal madaxeedkiisii hore isagoo hadda u biyaystay sidii 5-sano kadib uu uga mira dhalinlahaa.