Askar ka tirsan UN-ka oo dad rayid ah ku dilay Congo.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii xubno ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee (MONUSCO) ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ay rasaas ku fureen bar xuduudeedka gobolka bari ee dalkaasi, sida ay sheegtay dawladda Congo.

Dhacdadan ayaa Axadii ka dhacday deegaanka Beni ee DRC iyadoo ciidamada guutada faragelinta ee MONUSCO ay ka soo gudbeen dalka Uganda.

Fiidiyowga dhacdada, oo lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay rag – ugu yaraan mid ku labisan dareeska booliiska iyo mid kale oo ku labisan dareeska ciidanka – oo ku sii siqaya kolonyada UN-ka ee aan dhaqdhaqaaqa lahayn oo ka dambeeya xayndaab xiran ee Kasindi.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan DR Congo, Bintou Keita, ayaa sheegtay in baaritaan uu billowday, lana xiray dadkii lagu tuhunsanaa inay falkaas geysteen.

Waxa ay intaasi ku dartay in xiriir lala sameeyay dalka ay ka soo jeedaan askartaasi, si dacwad sharci ah loo bilaabo si deg deg ah. Ma aysan magacaabin dalka.

Dhanka kale, madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu “ka careysan yahay” dhacdadaas oo uu dalbaday “la xisaabtan”. Guterres ayaa “ka murugooday oo ka naxay” markii uu ogaaday toogashada xubnaha ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta, bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri.

Barthelemy Kambale Siva, oo ah wakiilka barasaabka waqooyiga Kivu ee Kasindi, ayaa mar sii horreysay sheegay in “sideed qof, oo ay ku jiraan laba bilays ah oo ka shaqaynayey xannibaadda, ay si xun ugu dhaawacmeen” dhacdada.

Siva, oo la hadashay wakaaladda wararka ee AFP, ma aysan sheegin sababta kolanyada Qaramada Midoobay looga hor istaagay in ay ka gudbaan xayndaabka.

Waxaa jira in ka badan 120 kooxood oo hubaysan oo ka hawlgala bariga dhiban ee DRC. Qaramada Midoobay waxay markii ugu horreysay u dirtay gobolka 1999-kii ergo goobjoogayaal ah.

Waxaa jira in ka badan 120 kooxood oo hubaysan oo ka hawlgala bariga dhiban ee DRC. Qaramada Midoobay waxay markii ugu horreysay u dirtay gobolka 1999-kii ergo goobjoogayaal ah.

Waxaa jiray 230 dhimasho ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Todobaadki hore, mudaaharaadyo ay dad ku dhinteen oo lagu dalbanayay in Qaramada Midoobay ay ka baxdo ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala bariga DRC. 19 qof oo ay ku jiraan saddex nabadoon ayaa ku dhintay.

Carada waxaa sii huriyay fikradaha ah in MONUSCO ay ku guuldareysatay inay wax ku filan ka qabato weerarada kooxaha hubeysan.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Hawlaha Nabadda Jean-Pierre Lacroix ayaa Sabtidii ku sugnaa dalka bartamaha Afrika si uu “ula hadlo mas’uuliyiinta Kongo”, ayuu yiri.

“[Waxay] baari doonaan siyaalo aan labadeenuba uga fogaan karno soo noqoshada dhacdooyinkan naxdinta leh, oo dhan, si ka sii wanaagsan, aan uga wada shaqeyno si aan u gaarno ujeedooyinkeena,” ayuu yiri.

Waxaan rajeyneynaa in shuruudaha la buuxiyo, gaar ahaan soo celinta maamulka gobolka, si MONUSCO ay u dhameystirto hawsheeda sida ugu dhaqsaha badan – iyo inay u baneyso booska noocyada kale ee taageerada caalamiga ah