Magacaabista Roobow maxay uga dhigay la dagaalanka Al Shabaab?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa magacaabay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, isagoo wasiir u doortay afhayeenkii hore ee Al-Shabaab Muqtaar Roobow, tallaabadaas oo qeyb ka qaadan karta xoojinta dagaalka ka dhanka ah garabka Al Qaacida ee Soomaaliya ama kicinta dagaal beeleedyo.

Hadal uu ka jeediyay munaasabada Talaadadii ka dhacday xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayuu Barre ku sheegay in Roobow, oo mar madaxiisa la dul dhigay 5-milyan oo doollarka Mareykanka ah, ka hor inta uusan ka go’in Al-shabaab sannadkii 2013-kii, inuu noqon doono wasiirka arrimaha diinta.

“Kadib wada tashi badan oo aan la sameeyay madaxweynaha iyo shacabka, waxaan magacaabay wasiiro ka tirsan golaha xukumada oo leh aqoon iyo khibrad, waxayna gudan doonaan waajibaadkooda,” ayuu yiri Barre ka hor inta uusan ku dhawaaqin golaha wasiirada ee la magacaabay. “Waxaan ka codsanayaa baarlamaanka inay ansixiyaan golaha wasiirada.”

Roobow, ayaa saddexdii sano ee u dambeysay ku jiray xabsi guri, sidoo kale waxa uu soo noqday ku xigeenka hogaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Bishii December 2018, waxa uu ku sugnaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ka waday ololihii doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa la soo xiray. Mudaaharaadyada xigay ayaa sababay dhimasho, iyadoo ciidamada ammaanku ay toogteen ugu yaraan 11 qof.

Ciribtirka Al Shabaab

Xeeldheerayaasha qaar ayaa isla dhex-maraya in Roobow oo muddo dheer Al-shabaab ka dhiidhinayey uu gacan ka geysan karo xoojinta ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Bakool oo ay Al-shabaab ka haysato dhul baaxad leh.

Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii May ay doorteen xildhibaanada baarlamaanka ayaa ballan qaaday in uu dagaalka ku qaadi doono kooxaha hubeysan ka dib saddex sano oo uu madaxweynihii isaga ka horreeyay oo uu ku cunay khilaaf siyaasadeed uusan wax tallaabo ah ka qaadin Al-Shabaab.

Kooxda ayaa inta badan weerarta dadka rayidka ah iyo saraakiisha dowladda iyo xarumaha.

Bishii Febraayo, waxay weerartay ergada doorashada ee ku sugan caasimadda Muqdisho. Ergada wax dhaawac ah masoo gaarin balse lix qof oo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa ayaa la dilay.

Taasi waxay u ogolaatay kooxda inay dhisto kayd lacag caddaan ah oo aad u badan oo ay weeraro ka geystaan dhul ballaaran oo dalka ah.

Golahan cusub ee la soo magacaabay ku dhawaad 40 maalmood ka dib markii uu xilka la wareegay Ra’iisal Wasaaraha cusub Barre, ayaa waxay u baahan doonaan ansixinta Baarlamaanka Somaliya.