Inta la xaqiijiyay qof ayaa geeriyooday halka ay dhaawacmeen labo kale kaddib markii miino ku qaraxday Mooto Bajaaj ay la socdaan Dadkaan oo marayay Deegaanka Ceeldheere Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.
Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo markii ay maqleen qaraxa kaddib goobta tagay ayaa qaaday Dadka dhaawacmay waxaana ay u gudbiyeen Degmada Bardaale ee Gobolka Bay DG Koofur Galbeed.
Askarta Dowladda Federaalka ayaa wadada miinada ka qaraxday waxa ay ka sameeyeen baaris si ay u hubiyaan haddii ay ku aasan yihiin miinooyin kale si aanay waxyeello u gaarin Dadka ku safra sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Bardaale.
Isbitaalka Degmada Bardaale Gobolka Bay ayaa loo gudbiyay Bukaannada Dhaawaca ah si looga daweeyo waxyeellada kasoo gaartay firirka Miinada nooca dhulka lagu aaso ee haleeshay Mootadii ay la socdeen.
Inta badan deegaannada Koofur Galbeed waxaa go’doonka saaran wehliya qaraxyo miino oo intooda badan ku qarxa Dadka Shacabka ah iyo Gaadiidka ay wataan Ciidamada Federaalka, Daraawiishta DG Koofur Galbeed & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS