Mas’uul shaaciyey inuu maxkamad la tiigsanayo Madaxweyne Deni

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay go’aankii uu soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo habeen hore kala diray golihii deegaanka ee Garoowe.

Axmed Siciid Muuse oo ahaa guddoomiyaha golaha laga dilay ayaa ka horyimid tallaabada uu qaaday madaxweyne Saciid Deni, isaga oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka magaalada Garoowe oo la hadlay BBC ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu meel uga dhacay sharaftiisa, wuxuuna tilmaamay in uu qareen qabsan doono, si uu maxkamad ula tiigsado madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala dirista golihii deegaanka ee Garowe u cuskaday warbixin ka timid xafiiska Hantidhawrka Guud ee dowlad gobolka Puntland.
Z
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad. Markuu arkay:  Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.  Wuxuu xeeriyey: Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday xafiiska Deni oo lagu kala diray golaha deegaanka.

Intaas kadib madaxweynaha ayaa guddoomiyeyaal cusub u magacaabay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ee dowlad goboleedka Puntland.
Si kastaba, xaaladda Puntland ayaa maalmihii dambe aad u daganeyd, kadib markii xal waara laga gaaray arrintii Booosaaso ee kala dhalatay hoggaanka ciidanka PSF-ta.