Sheekh Umal oo weerar culus ku qaaday wasiir Khadiija Diiriye

axamed Cabdi Umal ayaa si adag uga hadlay lebis ay maalmo ka hor isku soo sawirtay wasiirka haweenka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, kaas oo hadal heyn culus ka abuuray baraha bulshada.

Khadiija Diiriye oo wadata Surwaal iyo Shaati ayaa maalmo ka hor barteeda Facebook-ga soo dhigtay sawir looga qaaday gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo falcelin badan abuuray.
Sheekh Umal ayaa wax laga yaxyaxo ku tilmaamay lebiska ay isku soo sawirtay Maamo Khadiijo, isagoo tallaabadaas ku macneeyey mid fariin culus xambaarsan oo dhaqanka suuban ee Muslimiinta meel ka dhac ku ah.

“Habar wasiir ah oo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa meel fagaare ah la soo istaagtay surwaalkii ragga loogu tala galay, xitaa maaha surwaalka lebiska ee waa surwaalkii sariirta, hadana waxay soo dhigtay Suuocial media-ha, indha adeyga, xishood darrida iyo sariig la’aantu heerkaas ayey gaartay, 60 jir wey ka weyntahay, bal maxaa u haray oo da’daan ay isku qaawineysaa?” ayuu yiri Sheekh Umal.

Dad badan oo ka fal celiyey hadalka Sheekh Umal ayaa aad u dhaliilay sida Wadaadku uu kalmadihiisa ugu cabiray labiska Wasiir Khadiija Diiriye, iyagoo tilmaamaya in wado tan ka dabacsan uu u mari karay iftiiminta dhaqankaas.