Dr Cabdiraxmaan Cali (Dr Xabeeb) waa dhaqtar, samefale bulsho iyo aqoonyahan in badan gishtay ummada Soomaaliyeed kuwooda dhimirka ka jiran. Waxay gaareen dadkii uu ka caawiyay xannuunadaa 33,000 oo qof oo gobalo kala gedisan ku kala nool. Dr Xabeeb wuxuu hawshaas oo cid isaga kaga magac iyo maamuus wayn Soomaaliya joogin waday mudo 20 sano ku dhaw, walow uu fildhiga caafimaadka ku jiro mudo 40 sano kor u dhaafayso.
Intii uu shaqaynayay Dr Xabeeb wuxuu kala badbaadiyay Soomaalida waalan ee marka ay qof dhimirka la’ arkaan ka daba oorin jiray isaga oo qofkii daawayn iyo tarbiyayn isugu daray. Waxaa ka aflaxay oo ku fiicnaaday isbitaalkiis dad aad u badan, Illahay haka abaal mariyee.
Dr. Xabeeb caawa ayaan arkay isaga oo caafimaad ahaan liita. Isaga oo daruufihiisa gaarka ah qabo ayuu masuuliyadaas qaadatay. Maadaama uu dhiigkar iyo sokor qabayna xididadii madax ayaa hadda dhiig tufaaya, haddii uu xaaladaas ku sii jiro oo aan xilli hore wax laga qabanina waxaa jirta halis caafimaad oo keensan karta in maskaxda dhiiga ka xeran oo STROKE ku dhaco.
Dr. Xabeeb waa mano sheegtay, wuxuu xusay abaalka uu bulshada gashtay. Wuxuu baddel ka codsaday dhammaan bulshada iyo dawladda. Wuxuu mudanyahay in la tixgeliyo codsiyadiis inta karaankeena ah la garab istaago.
Caafimaad badan baan u rajaynayaa Dhaqtarka, Eebbe ha ka ajar siiyo wixii uu ku darsaday maanka Ummadda Soomaaliyeed. Lifaaqa hoose waa muuqaalka Dr Xabeeb.
W/Q: Cumar Dheemow