Ismarinwaaga Siyaasadeed ee Soomaalida: Baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo cusub?

In ka badan 30 sano, waxaan ku dhex jiray dadaallada dib-u-heshiisiinta, cilmi-baarista, qorista, iyo soo saarista buugaag, joornaallo, iyo maqaallo ku qoran af Soomaali, Ingiriisi iyo Carabi oo ku saabsan mowduucyo kala duwan oo quseeya dalkayga aan jeclahay ee Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, waxaan sidoo kale baray, tababaray, sidoo kale aan siiyay jiilka cusub dal iyo dibadba wacyigelino ku saabsan arrimo badan oo aan diiradda ku saaray cilmibaarista Soomaaliyeed. Inta badan qoraaladeyda waxaa laga heli karaa baraha onlineka ah.

Sannadahaas dheer wax aan mudnaanteyda  diiradda ku saaray arrimaha dib-u-heshiisiinta, nabad-dhisidda, waxbarashada, arrimaha haweenka, iyo aragtiyeynta arrimaha dib-u-heshiisiinta dawladda iyo bulshada ee marka colaadaha lagu jiro. Colaadda ka dhexeeysay dawladda iyo bulshadeeda ayaa sabab u ahaa burburkii dawladnimo ee 1991-kii, ilaa haddana aan wax xal ahi loo helin. Ka dib markii aan ka soo laabtay Kanada 1992, waxaan ka mid noqday u dhaqdhaqaaqayaashii soo nooleeyay isku xirka bulshada rayidka ah, kuwaasi oo mudnaanta siinayey waxbarashada, nabadda, iyo dib u heshiisiinta.

Ka shaqaynteydii nabadda & dib u heshiisiinta waxay si rasmi ah u bilaabatay 1994-tii markii la ii doortay guddoomiyaha golaha dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed (SRC). SRC waxay ka mid ahayd shabakadaha bulshada rayidka ah ee u gogol xaarayey shirkii nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Carta, Jabuuti, 2000. Sidoo kale. waxaan xubin ka noqday kooxdii farsamada bulshada rayidka aheed ee soo qabanqaabisay shirkii nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Jabuuti, kaas oo ay ka dhalatay Jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaaliya 2000. Sannadihii xigay, waxaan sii waday dadaalladaydii nabadda. iyo u doodista dib-u-heshiisiinta ilaa aan go’aansado inaan door toos ah ka qaato siyaasadda.

Haddaba, waxaan isku soo sharraxay musharax madaxweyne doorashadii 2012, halkaas oo aan si toos ah ugu soo arkay dhagareynta siyaasaddii Soomaaliyeed Waxa aan ogaaday intii aan ku guda jiray ololihii doorashada madaxtinimo, dhaqanka siyaasiga Soomaaliga ah iyo sida uu u musuq-maasuqay habka hanaankii doorashada, taas oo aan markii dambe aan qormooyin ka sameeyay. Waajibka qarankeyga iga saaran waxa uu igu kalifay dhammaan hindisayaashaas, ka aqoonyahan ahaan. qof u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka, iyo sarkaal sare oo hore ugu tirsanaa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Waxaan si qoto dheer u fahmay mas’uuliyadda ay leedahay soo kabashada qaran Soomaaliyeed oo awood u leh in uu muwaadiniintiisu u fidin karo amni, adeegyo bulsho, iyo isku filnaansho dhaqaale, iyada oo la ilaalinayo dhaqanka Soomaaliyeed iyo qiyimka Islaamiga ah.

Dhanka kale, daraaseynteydii taariikhda ayaa igu kaliftay in aan dib u milicsado sooyaalka taariikhda Soomaalida, oo aan xalliyo xujooyinka ku jiro, isla markaana aan garwaaqsaday sida xun ee ay uga qayb qaadanayso hab-fekerka Soomaalida ee quseeya dawladnimada iyo arrimaha bulshada. Taariikhda iyo siyaasadda Soomaalida guud ahaan waxaa looga hadlay aragtida anthropology-ga taas oo ku salaysan in la beeleeyo guud ahaan ubucda daraasadaha Soomaalida.

Inta badan suugaantii hore waxay ka qayb qaadatay  gumaysigii maskaxeed ee ummadda Soomaaliyeed iyadoo u jiheyneyso aragtida dhaqankeenn iyo haybteenna soo jireenka ah, taas oo ku dhisan gumaysi naceybka. Taasi waa sababta madaxyoweynteeni hore iyo kuwa hadda ay si bareer ah u dhaliileen dhaqankeenna uguna arkaan in ay yihiin astaamaha dib-u-dhaca iyo kuwa caqabadda ku ah dawlad-dhisidda. Anigoo ka jawaabaya qalloocaas, waxaan isu xilsaaray inaan maskaxda Soomaalida ka takhalusiyo aragtida dib-u-gumeysiga, aniga oo soo bandhigay aragti cusub  oo ku saabsan taariikhda Soomaalida. Aragtidaani waxa aan ku soo koobay buugaagteyda aan cinwaanka uga dhigay “Making Sense of Somali History” (caddadka 1&2) iyo “.The History of the Islamic Movement in Somalia.

Ka dib, ku dhawaad ​​labaatan sano oo aan ahaa u dhaqdhaqaaqe bulsheed iyo mid siyaasadeed, dawladda Soomaaliya waxay garatay khibraddayda ku aaddan dhinacani. Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa 2018-kii ii magacaabay la taliyihiisa sare ee arrimaha nabadda & dib u heshiisiinta, sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ii magacaabay la-taliyaha sare ee arrimaha dastuurka 2022.

Inkastoo xilalka aan hayo labada maamul ay kala duwanaan karaan, haddana shaqada aan hayo ma ahan mid ka duwan tii hore. Halka tan aan hadda joogaa ay ka hadlayso dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinta, tii horena waxa ay ka shaqaysaa dib-u-heshiisiinta bulshada. Shaqadayda cusub waa in aan abuuro jawi wanaagsan oo ay ku heshiiyaan Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka (MG) iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya (DFS) oo ku heshiiyaan arrimaha Dastuuriga ah ee Ku-meel-gaarka ah ee weli taagan oo u baahan is-afgarad iyo heshiis.

Marka la eego ka qayb galkeygii badnaa  geeddi-socodkii dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo baaritaankii cilmi-baariseed aan ku sameeyay xaaladda siyaasadeed ee taagan, waxa aan in badan ka fikiray arrimaha Dastuurka. Waxaan habeen iyo dharaar ku fakaray su’aalo badan oo ay ka mid yihiin.

  • Maxaa ku dhacaya geeddi-socodka dowlad-dhisidda haddii FMS iyo DFS ay isku khilaafaan arrimaha dastuurka?
  • Sidee Soomaaliya u hirgelin kartaa Dastuurkeeda iyadoo Al-Shabaab ay ka taliyaan dhul ballaaran oo Koonfurta Soomaaliya ah?
  • Maxaa dhacaya haddii maamulka hadda jira uu ku guuldareysto inuu sameeyo doorasho qof iyo cod ah?
  • Goorma ayay muwaadiniinta Soomaaliyeed heli doonaan xuquuqdooda ay ku dooranayaan wakiiladooda, haddii habka xulista ee hadda lagu dhisay awood qaybsiga beelaha uu sii socdo? Iyo qaar kaloo badan.

Qaabka ay hadda wax ku socdaan, waxa aan si adag ugu qanacsanahay in aanay wax badan ka beddeli doonin siyaasadda Soomaaliya marka uu dhammaado muddada maamulka hadda jira, iyada oo aanay jirin is fahan siyaasadeed oo cusub oo ka dhex jira hoggaamiyeyaasha siyaasadda. Waxaa kaloo ka sii walaac badan in hadii lagu celiyo mar kale qaabka doorashadii 2022 ee dhammaadka muddadan ay u badan tahay inay abuurto xasillooni darro iyo isku dhacyo soo cusboonaado.

Haddaba, is-goyska ay Soomaaliya maanta taagan tahay ayaa ah in ay kala doorato labadan jid, hannaanka dowlad-dhisidda oo loo maro heshiis siyaasadeed oo cusub ama in lagu sii socdo geeddi-socodkii hore ee fashilmay oo aakhirka keeni doona khilaaf iyo colaado.

Waddada dowlad-dhisidda waxay u baahan tahay is ogol siyaasadeed iyo xasillooni taasoo sahlaysa in ay dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ku salaysan qof iyo cod, kuwaas oo laga qabto dhammaan heerarka dawladda. Mashruucani wuxuu u baahan yahay bartilmaameed cad iyo qorshe-hawleed dhab ah si uu taageero uga helo madaxda siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed. Arrimaha soo socda ayaa ah hawlaha ugu waaweyn ee loo baahan yahay in lagu guulaysto muddada hadda ee xasilloonida lagu jiro, si siyaasadda Soomaaliya caadi looga dhigo.

  1. Ciribtirka Al-Shabaab iyo ka xoreynta shacabka iyo guud ahaan dalka.
  2. Dhamaystirka Dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo is-waafajinta Dastuurka MG iyo kan Qaranka.
  3. Dejinta shuruucda doorashada iyo qaadashada hab doorasho ku habboon si loo qabto doorashooyin qof iyo cod ah ee dhammaan heerarka: degmooyinka, MG, iyo midda guud ee Qaranka.
  4. Samaynta golayaasha deegaanka ee ay doortaan codbixiyayaasha diwaangashan hab qof iyo cod ah.
  5. Qabashada doorashooyinka MG halkaas oo ay codbixiyaasha diiwaangashan ay doortaan xubnaha baarlamaanada Maamul Goboleedyada.
  6. Qabashada doorasho qaran oo qof iyo cod ah dalka oo dhan, halkaas oo dhammaan xubnaha baarlamaanka federaalka ay si gaar ah u dooranayaan codbixiyaasha diiwaangashan ee Maamul Goboleed kasta.

Si loo xaqiijiyo arrimaha kor ku xusan, shuruudo badan oo abaabul, farsamo, iyo maaliyadeed ayaa loo baahan yahay. Sidoo kale, waa in la isla meel dhigaa qaab-dhismeedka ku habboon doorashada iyo hab dhiska dawladnimo ee heer walba leh. Haddaba, Soomaaliya waa inay yeelato saddex heer oo keliya oo dowladeed: Degmo, MG, iyo DFS. Waa in meesha laga saaro qaab dhismeedka gobolada maadaama uu yahay qaab dhismeed dheeri ah oo doorashada adkeynaya. Waxaa intaa dheer, dadku waa inay doortaan madaxweynayaal iyo ku xigeenno MG ah iyo kuwa heer qaran ah. Sidoo kale, waa in la is waafajiyaa xilliyada doorashada, taas oo macnaheedu yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo laba doorasho: mid doorasho midaysan oo Maamul Goboleedyada ah iyo mid kale oo heer Qaran ah.

Gabagabadii, ismaan-dhaafka siyaasadeed ee Soomaaliya waa in lagu xalliyaa heshiis siyaasadeed cusub oo horseedaya xasillooni iyo doorashooyin dadweyne. Nidaamka siyaasadeed ee cusub waa inuu noqdaa mid soo jiidasho leh oo soo jiidanaya dadweynaha iyada oo loo marayo halbeegyadiisa, qorshe hawleed cad, iyo ka-qaybgal. Heshiiskan cusub waa in uu qaataa hab maamul oo ku habboon, qaab doorasho, iyo dhammaan qaab-dhismeedka sharci ee lagama maarmaanka ah. Waxaan rajeynayaa in milicsigaygu uu dood ka dhex dhaliyo ardayda, aqoonyahannada, cuqaasha, waxgaradka, iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya.

W/Q: Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow

W/T: Saabir Boogle